Culumaa'idiinka Soomalida oo Cambaareeyay Go'aanka kooxda Ahlusuna labaxday ay ku Mamnuucday duruusta sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil.


Allmuqdisho.com

Qaar ka tirsan Culumaa’udiinka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa cambaareeyay amarkii kooxda la baxday Ahlu suna ay ku diideen in idaacadaha ku yaala degmada Caabud waaq ay sii daayaan siirada Nabiga C.s.

Sheekh C/fataax Aways Abuu Xamza oo kamid ah Culumaa’udiinka laga yaqaano Magaalada muqdisho ayaa si xoogan u cambaareeyay go’aanka kasoo baxay kooxda Ahlu suna,wuxuuna sheegay in taasi ay cadayn u tahay in kooxdaas dowladda Ethopia ay wakiil kaga tahay la dagaalanka diinta islaamka.

Sidoo kale Sheekh Abuu Xamaza wuxuu sheegay in go’aankaas uu muujinayo in kooxda Ahlu suna ay bari ka yihiin magacii horey ay la baxeen,wuxuuna sheegay in kooxdaas ay ka baqdin qabaan in dadka kunool gobolka galguud ay ku kacaan maadaama siirada Nabiga ay ka sheekaynayso duulaanadii uu la galay Mushirkiinta Quraysh.

Waaliga Wilaayada islaamiga ah ee galguuud Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise kabo kutukade ayaa isna codkiisa ku biiriyay cambaaraynta loo jeedinayo amarkii kooxda Ahlu suna ay ku mamnuuceen in idaacadaha ku yaala degmada Caabud waaq ay baahiyaan siirada Nabiga Calayhi Salaam.

Sheekh Yuusuf kabo kutukade waxa uu ugu baaqay bulashada muslimiinta ah ee kunool degmada Caabudwaaq iyo degmooyinka dhuusamareeb iyo guriceel inay adkaysateen islamarkaana ay soo dhawaatay waqtigii gobolada dhexe ee dalka soomaaliya laga xorayn lahaa waxa uu sheekhu ku sheegay “ Mushrikiin” wakiil u ah dowladda Ethopia.

Si kastaba ha ahaatee maalintii shalay ayay ahayd markii labo idaacadood oo ku yaala degmada Caabud waaq ee gobolka galguduud ay ku dhawaaqeen inay hakad geliyeen howshii ay u hayeen bulshada kunool degmadaas kadib markii sida ay sheegeen ay la kulmeen cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhinaca Maleeshiyaadka kooxda sheegata Ahlu suna







Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com