
Allmuqdisho.com
Inkabadan Tobon ruux ayaa ku geeriyootay duqeyn Cadowtooyo oo Ciidamada shisheeye Xalay saqdii dhexe ay ugeysteen Xaafadaha kala duwan ee degmada Kaaraan.
Dadka geeriyooday oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa waxaa gurihii ay jiifeen ku habsaday madaafiic Xoogan oo Ciidamada shisheeyaha ay kasoo tuurareen Xarunta Madaxtooyada Villa soomaaliya.
Dadka rayid ah ee kunool degmada Kaaraan ayaa ku salalay madaafiicda waawayn ee kusoo dhacaysa Xaafadahooda,iyadoona Xiligaasna aysan jirin wax dagaalo ah oo ka dhacayay magaalada muqdisho.
Isbitaalka keydsanay ee ku yaala Waqooyiga Magaalada muqdisho ayaa saakay waxaa la gaarsiiyay dhaawacyada dadkii xalay kusoo waxyeeloobay madaafiicdii Xooganaa ee Ciidamada shisheeyaha ay ku garaaceen degmada Kaaraan,waxaana wariye ka tirsan Idaacadda Alfurqaan oo saakay ku booqday isbitaalkaas uu soo sheegayaa inuu arkay dad badan oo madaafiicda ku waxyeeloobay.
Inta badan degmooyinka gobolka banaadir waxaa joogto ka noqday madaafiicda sida arxan darada ah Ciidamada shisheeyaha Afirkaanka ah ay la beegsadaan Xaafadaha ay degenyihin dadka rayidka ah,waxaana jirin ilaa iyo hadda cid ka tirsan dowladda kmg ah oo madaafiicdaas si toos ah u cambaaraysay
![]()

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


