Khasaara ayaa ka dhashay madaafiic Culus oo ay Ciidamada AMISOM ku garaaceen xaafadaha Muqdisho

 


allmuqdisho

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay madaafiic xoogan oo Ciidamada shisheeye 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ku garaaceen Xaafadaha kala duwan ee magaalada muqdisho.

Inta la ogyahay labo ruux ayaa ku geeriyootay degmada dayniile ee gobolka banaadir kadib markii shalay gelinkii dambe ilaa iyo fiidnimadii Xalay,Ciidamada shisheeye ay duqeymo xoogan u geysteen Xaafado ka tirsan degmada dayniile.

Goob jooge ku sugan degmada dayniile ayaa Idaacadda Alfurqaan u sheegay in indhihiisu uu ku arkay meydka qof haweenay ah oo ku geeriyootay madaafiic kusoo dhacday xaafadooda,wuxuuna sidoo kale xusay inay jiraan tiro dad ah oo madaafiicdaas ku dhaawacmay,kuwaasi oo qaar ka tirsan xaaladooda laga dayrinayo.

 ayaa sidoo kale Xiriiro la samaysay Cali Muuse oo kamid ah horjoogayaasha gawaarida Ambulance-ka ee gurmadka deg dega wuxuuna sheegay in shalay gelinkii dambe ilaa iyo fiidnimadii xalay ay qaadeen ku dhawaad sodon ruux oo dhamaantood ku soo waxyeeloobay madaafiic habow ah oo ugu tagtay guryihii ay degenaayeen.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa Ciidamada shisheeye waxay magaalada muqdisho ku wadaan duqeymo Xoogan oo ay la beegsanayaan meelaha ay dadku ku badan yihiin,iyadoona habeen ka hor degmada kaaraan ay ku geeriyoodeen inkabadan Tobon ruux kadib markii Xaafadaha kala duwan ee degmadaas ay la beegsadeen duqeyn Xoogan.

 



Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com