
allmuqdisho
Hadal kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka mareykanka ayaa looga digay guud ahaan muwaadiniinta mareykanka ah inaysan u safrin dalka kenya si looga gaashaanto suuro galnimada waxa lagu sheegAY weeraro argagixiso oo halkaasi ka dhaca.
Dadka heysata dhalashada dalka marekanka ee hadda ku sugan gudaha dalka kenya ayaa loogu baaqay inay muujiyeen feejignaan dheeri ah islamarkaana aysan tagin goobaha ay dadku isugu yimaadaan iyo goobaha kale ay ka dhacaan mudaaharaadyada.
"Weeraradii 11-kii bishan ka dhacay magaalada kamabal kadib,waxaa soo siyaasaday khatarka kasoo foolka ah wadamada ku yaala bariga Afirka". ayaa lagu sheegay hadalka digniinta ah ee kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka mareykanka.
Safaaradda dowladda mareykanka ay ku leedahay dalka kenya ayaa sidoo kale waxay digniin u jeedisay muwaadiniinta keyyaanka ah ee heysta dhalashada dalka mareykanka,waxaana safaaraddu ay ugu baaqday inay ka digtoonaan qul qulutooyinka dhinaca amaanka ah ee dhici kara 4-bisha August ee soo socota oo ah maalinta dadka reer kenya ay u dareeri doonaan afti uqaadista dastuurka cusub ee dalka kenya.
Si kastaba arintu ha ahaatee digniinta ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda mareykanka ayaa waxay kusoo aadaysaa xili Seddex Todobaad ka hor magaalada kambala ee Xarunta dalka Ugandha ay ka dhaceen qaraxyo mataano ah ,kuwaasi oo keenay dhimashada dad ku dhow sideetan ruux,waxaana dadka halkaasi ku geeriyooday ku jiray,muwaadin heystay dhalashada dalka mareykanka.
![]()

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


