Qoraaga C/waaxid Khaliif oo ka hadlay Culimada Icstisaam sida ay isku khilaafsanyihiin dagaalada ka socda Somaliya


Allmuqdisho.com

Qoraaga Caanka ah ee C/waaxid khaliif ayaa ka hadlay fatwooyinka iska hor imaanaya ee qaar ka tirsan culimada jamaacada Ictisaam kasoo baxay kuwaas oo ay ku wareereen bulshada soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda caamada ah.

C/waaxid Khaliif oo Xalay ka qeyb galayay barnaamij gaar ah oo lagu falanqaynayay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasadda soomaaliya ayaa waxa uu si kulul u weeraray qaar katirsan Culimada kooxda Ictisaam,wuxuuna ku eedeeyay kooxdaas inay u taagan yihiin maran habaabinta shacabka soomaaliyeed.

“Ictisaamkii dadku way wareeriyeen Umal baa yiri Jabuuti wixii ka jiray waa khalad,bashiir salaad baa ka digay Ciidamo shisheeye,Cumar faaruuqna waa baneeyay”.” ayuu yiri C/waaxid khaliif.
Halkan ka dhagayso hadalka Qoraaga C/waaxid khaliif.

Qoraaga soomaaliyeed C/waaxid khaliif wuxuu tibaaxay in shacabka soomaaliyeed ee muslimiinta ah ay go’aan ku gaareen inaysan ka dabo dhumin Culimadii wadada toosan ka leexatay,kuwaasi oo markii horeba Umadda ugu baaqayay inay Cadowga la dagaalamaan dadkana ugu yeeri diinta iyo dacwada.

Wuxuu tusaale usoo qaatay isku soo baxyadii waawaynaa ee shacabka kunool wilaayaatka islaamiga ah ay dhigeen markii la sheegay in wadamada IGAD ay isku raaceen in Ciidamo loo soo diro gudaha soomaaliya,wuxuuna ku eedeeyay Culimada Ictisaamka inay gabeen dowrkii ay ku lahaayeen baraarujinta iyo wacyo gelinta bulshada.

Dhanka kale qoraaga soomaaliyeed ee C/waaxid Khaliif wuxuu si aad ah usoo dhaweeyay qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada kambala ee Xarunta dalka Ugandha,wuxuuna sheegay in qaraxyadaas looga aargutay Ciidamada shisheeye ee Xasuuqa ka wada magaalada muqdisho





Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com