
Aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo saraakiil Ciidan ayaa ka digaya Weerar xiligan lagusoo qaado shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho oo ay ka qayb qaataan dowladaha reer galbeedka.
Kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya in Dowladda Saliibiga Mareykanka ay ka qayb qaadanayso dagaallo Muqdisho ka dhaca ayay Waxgaradka Soomaaliyeed walaac ka muujiyeen dhibaato ka dhanlan karta dagaalka Mareykan qayb ka yahay.
Taliyihii Ciidanka Ururka SNA ee sagaashameeyadii magaalada Muqdisho kula dagaalamay Ciidankii Mareykanka ee Muqdisho soo galay ayaa ka sheekeeyay qaabkii ay ula dagaalameen Cadawgii kusoo duulay iyo waxa hadda dhici kara.
Maxamed Axmed Aadan ayaa ahaa Taliyihii dagaalyahanada SNA ee wadooyinka Muqdisho ku jiiday Maydadka Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku Nool ay dhaqan u leeyihiin in ay Dhabarka Jebiyaan Cadaw walba oo kusoo duulay diintooda iyo Dadnimadooda.
Isagoo lahadlayay Radiyaha Alfurqaan ee Muqdisho ka dhisan ayuu Taliye Maxamed Axmed Aadan sheegay in Mareykanku uusan khibrad u lahayn dagaalka toos ah ee laysku Eryado wadooyinka balse ay yaqanaan duqayn lagu cabsi geliyo shacabka iyo Ciidanka dagaalamaya.
Mr. Maxamed Axmed Aadan wuxuu ka taariikheeyay qaabkii ay ugu suura gashay in ay wadooyinka Muqdisho ku jiidaan Bakhtiga American-ka islamarkaana ay soo ridaan diyuurado dagaal oo ay leedahay dowladda isku sheegta in ay caalamka haysato.
Sarkaalkan katirsanaa SNA wuxuu amaan balaaran usoo jeediyay Shacabka Soomaaliyeed ee iska difaacay Itoobiya iyo Mareykanka wuxuuna Rejjo wanaagsan ka muujiyay in ay iska difaaci doonaan weerarka hadda kusoo socda "Shacabka hadda Muqdisho ku nool waxay ka khibrad badanyihiin shacabkii SNA ee Mareykanka ku laayay Muqdisho waxaan filayaa in shisheeye walba Muqdisho ka carari doono isagoo shalaysan"ayuu yiri Max'med Aadan.

Dagaalyahanadii SAN oo ay xiligaasi ka barbar dagaalamayeen Mujaahidiin katirsan Ururka Al Qaacidda ayaa ku guulaystay in ay laayaan Askarta Mareykanka qaarkoodna iyagoo dhaawac ah ku jiidaan laamiyada Muqdisho.
Waxaa xiligaasi caan baxay Shirib qiira lahaa oo Ciwaankiisu ahaa "Suqaar Mareykanaan Sidnaa" oo ay ku hadaaqayeen Boqolaal shacab ah oo ku damaashaadayay wadooyinka Muqdisho markii ay dhulka dhigeen Saliibiyiintii kusoo duushay.
Warkan kasoo yeeray Hogaankii SNA ayaa kusoo aadaya xilli ay Mareykanka iyo xulufadiida kale sheegeen in ay isku diyaarinayaan dagaal magaalada Muqdisho iyo gobalada kale looga saaro xoogaga Mujaahidiinta ee Hir geliyay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


