War Deg deg ah: Dagaallo Culus oo Muqdisho ka socda iyo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin oo Boondheere qabsaday.


Allmuqdisho.com

Dagaallo qaraar oo u dhexeeya xoogaga islaamiyiinta iyo ciidanka Dowlada kMG ah ayaa goordhaw ka bilaawday xaafado katirsan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ugu adag ayaa ka socda xarunta degmada Boondheere oo ay horay u joogeen ciidan taabacsan Dowladda Federaalka KMG ah, dagaalka waxaa qaaday Xarakada Al Shabaab.

Warar hordhac ah ayaa sheegay in islaamiyiinta ay horumar ka sameeyeen dagaalka waloow ciidanka dowladana ay is difaacayaan,

Shabaab waxay qabsadeen saldhigga Booliska Boondheere iyo xaruntii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha, madaafiic culus ayaa kusoo dhacaysa xaafadaha dhaca waqooyiga Muqdisho





Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com