
Allmuqdisho.com
Maxkamadda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Degmada Balcad Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Maanta ku Xukun gacan Goyn ah waxa ay ku Fulisay Wiilal Dhaliyaro ah oo lagu eedeeyay falal xatooyo ah.
Wiilashaan Dhaliyaradaa ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xasan Axmed Cumar oo 18 jir ah iyo Murshad Axmed Aadan oo isagana 22 jir, waxaana lagu eedeeyay in Labadooda ay Dhaceen lacago Shilin Soomaali ah oo gaaraya Maaliin.
Masuuliyiinta Shabaabka ayaa sheegay in labadaan Ruux ay Maxkamada ka hor qirteen Denbigooda ka dibna Xukunkaan Lagu fuliyay.
Saraakiisha Shabaabka ayaa Sidoo kale sheegay in maxkamad la Soo taagi doono Cid walba oo lagu helo Danbigaan oo kale isla markaana la marsiin doono waxa ay shareecada islaamku ka qabto
Waa markii ugu horeysay oo xukuno noocan ah Xarakada Al-Shabaab ay ka fuliyaan Gudaha degmada Balcad Shabeelaha Dhexe; hasa ahaatee Al-Shabaab ayaa marar badan xukuno kala duwan ka fulisay deegaano kale oo ka tirsan koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
![]()

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


