Xiisado coladeed oo wali laga dareemayo Deegaanada Bacaadweyn iyo Camaara.

Xiisado colaadeed ayaa laga soo sheegayaa Tuulooyinka hoostaga Deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn oo dagaalo ku dhex mareen laba Maleeshiyo Beeleedyo isku haya lahaanshaha Dhul daaqsin ah iyo Ceelbiyood.

Xiisadan iyo isku hub aruursigan waxa uu daba joogaa dagaal shalay gabal dhicii Beelahaasi ku dhex maray deegaanada Bacaadweyn iyo Camaara, xaaladuna waa mid aan cago badan ku taagnayn saaka lana filan karo isku dhac mar kale ka dhaco deegaanadaasi oo ay isku horfadhiyaan Maleeshiyaadka isku haya dhulka daaqsinka ah iyo Ceelbiyoodka.




Waxgarad ka soo kala jeedaan Beelahaasi ayaa waxay wadaan waan waan ay ku hakinayaan dagaal beeleedka wali ka socda deegaanada Bacaadweyn iyo Camaara, kana dhasheen qasaarooyin kala duwan oo leh Dhismasho, Dhaawac iyo Barakac dadka deegaanadaasi.

Dhanka kale Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland C/raxmaan Xaaji Max’uud Xasan ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya deegaanada Bacaadweyn iyo Camaara inay joojiyaan dagaalada, islamarkaana ka xun yihiin inuu sii socdo dagaal beeleedkaasi.

Ugu danbeyntii dagaaladii shalay galab ka dhacay Bacaadweyn iyo Camaara waxaa ku dhintay 3-qof iyo dhaawaca iyo dhaawacyo ka badan tirada Dhimashada ka dhashay dagaaladaasi.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com