
Allmuqdisho.com
Wilaayada islaamiga ah gobolada baay iyo bakool ayaa maanta heshiis kama dambays ah waxay dhigtay beelo horey ugu dagaalamay deegaano hoos yimaada tuulada Iidaale ee gobolka baay.
Maxkamadda wilaayada islaamiga ah ee baay iyo bakool ayaa ku guulaysatay inay xal ka gaarto muran dhinaca dhul daaqinka iyo biyaha salka ku haya,kaasi oo muddo dheer udhaxeeyay beelaha yantaar iyo geedadlle oo kamid ah beelaha wada dega gobolada baay iyo bakool.
Madaxa garsoorka Maxkamadda magaalada baydhabo Sheekh Xuseen ayaa sheegay in Xalka ay ka gaareen murankii udhaxeeyay labada beelood ay timid kadib markii Ugaasyada iyo malaaqyada labadaas beelood ay isku afgarteen in murankooda iyo lagu xaliyo shareecada islaamka.
Mid kamid ah malaaqyada beelihii ku dagaalamay deegaanka Iidaale oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu si wayn ugu farxan san yahay xalka laga gaaray colaadii udhaxaysay labada beelood,wuxuuna xusay in dhankooda ay uhogaansamayaan go’aanka maxkamadda Wilaayada islaamiga ah ee baay iyo bakool.
Si kastaba ha ahaatee go’aanka maanta kasoo baxay Maxkamadda Wilaayada islaamiga ah gobolada baay iyo bakool ayaa waxay timid kadib markii dhoor todobaad ka hor deegaano hoosyimaada tuulada Iidaale ay ka dhaceen iska hor imaadyo udhaxeeya labo beelood oo walaalo ah kuwaasi oo murankooda uu salka ku hayay Ceel biyoodyo iyo dhul daaqsineed.
![]()

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


