Caabudwaaq yaa u cid ah? Warbixin+Sawiro+dhab ka hadal W/Q Mohamed Jaamac.
 

 Magaalada Caabudwaaq Gobalka Galgaduud waxay kamid tahay magaalooyinka ugu qadiimsan dalka Somalia waana magaalo dhacda dhul Oomana ah oo aad ay ugu yaryihiin Biyaha iyo Barwaaqada marka loo eego Gobalad Jubooyinka iyo Shabeelooyinka.

Caabudwaaq waxay hadda Saldhigga weyn utahay Maleeshiyada Ahlusuna lamagac baxday ee ay Gacanta ku hayso Itoobiya.

Shacabka magaaladaasi waa dad jecel wanaagga laakin waxaa ka qaalin Noqday kuwa ka yimid Somaligalbeed oo Itoobiya kaashanaya.

Khatartii kasoo socotay Caabudwaaq ee ka dhalatay Jahliga waxaa ka digay Bogga Somalimirror oo sanad ka hor Warbixin ka qoray kadib markii weriye shabakadaasi katirsan Booqday.

Warbixinta oo aad u dheereed wadatayna Muuqaal cadayn ah waxay si adag uga digaysay Heerka Jahligu uu gaaray iyo sida ay jaaliyadaha Somalidu isaga Indha tireen wax u qabadka,kaalintii Ducaadka Islaamka oo Gobalada dhexe ku yaraatay qaasatan suufida oo Caabudwaaq ka dhigatay God ay dalka intiisa kale ka qaniinto.

(Caabudwaaq yaa u cid ah?)
waa Warbixin aad Mooddo in ay hadda soo baxda 2008-da ayaa Warbixintaas lasoo diyaariyay waxaadna moodda in hadda laqoray marka loo eego Saldhigga ay u tahay Cadawga iyo sida Jahligu Dilaa u yahay islamarkaana ay uga dhalan karaan wax walba oo Xumaan ah.

Halkaan ka Daalaco Caabudwaaq yaa u cid ah? oo ah Warbixin Xaqiiqda soo taabatay marka loo Eego waxa halkaasi ka socda
 Daawo Sawirada+Warbixinta oo dhamaystiran
.


 
Mohamed Jaamac Email:War-haye@hotmail.com