Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Raayada Towxiidka Ka Taagtay Daartii Habar Khadiijo degmada Shibis Kadib Dagaallo ay lagaleen Maleeshiyaadka Dowladd KMG (Daawo Sawirro).
 


Allmuqdisho.com

Waaliga Walaayada Gobolka Banaadir ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sh.Cali Maxamed Xuseen ayaa Maanta saxafiyiinta reer Muqdsho qaar ka mid ah soo tusay aagagii ay dhawaan kala wareegeen Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya.

Sheekh Cali oo wariyayaasha kula halayay Xaruntii Nabad sugida ee Magaalada Muqdisho loona yaqaan Habar Khadiijo ayaa sheegay in halkaasi ay mudo ahayd meel Gaalada iyo kuwa la shaqeeya sida uu sheegay ay joogi jireen,hadana Alle mahadii ay tahay in iyaga gacantooda ay si rasmi ah gashay.



Wariyayaasha waxaa lagu soo wareejiyay dhamaan agagii ay dhawaan la wareegeen Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab sida degmada Shibis,isgoyska Maana-Boolo,ilaa Xaruntii Nabnad sugida ee habar Khadiija.

Sidoo kale Sheekh Cali waxaa uu ku goodiyay in maalmaha soo socda ay weeraro ku qaadi doonaan Xarnta Madaxtooyada islamarkaana ay gudaha Madaxtooyada ufgu tagi doonaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada KMG Soomaaliya.

"hore waxaan ugu sineyn agagaarka Hotel Glopal laakiin hada waxaan gaarnay ilaa xaruntii Nabad sugida ee loo yaqaan habar Khadiijo.maalahaasi oo dhan waxaa iminka gacanta ku haya mujaahidiinta" ayuu yiri Waaliga Walaayada Gobolk Banaadir rr Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab






Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com