Kulamo udhaxeeyey odayaasha iyo waxgaradka beesha degta degmadad qansax dheer ee gobolka Baay iyo Mas’uuliyiin ka tisan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxa ugu dambeyn la isku afgartey in beesha degta degmadaasi ay hubkeeda ku wareejiso wilaayada islaamiga ah ee Baay iyo Bakol.
Munaasabad ka dhacey degmada qansax dheere ayaa lagu soo bandhigey hubka ay beeshaasi ku wareejisey wilaayada islaamiga ah iyadoona halkaasi ay ka hadleen Mas’uuliyiin ka tiran wilaayada iyo Odayaal kasoo jeeda beesha deta qansax dheere.

Waaliga wilaayada Islaamiga ah ee Baay iyo Bakool Sheekh Mahdi C/kariim ayaa ugu horeyn wuxuu mahad balaaran ujeediyey beesha qansax dheere ee hubkeeda ku wareejisey wilaayada wuxuuna ugu baaqey beelaha kale ee dega gobolada baay iyo bakool inay hubkooda kusoo wareejiyaan Wilaayaadka islaamiga ah.
Beesha Geedalle oo kamid ah beelaha dega degmada qansax dheere oo ah beesha maanta hubkeeda ku wareejisey wilaayada islaamiga ah ayaa waxaa ka mid ahaa hubkii maanta ay wareejisey 5-PKM ,hal Seben iyo Afar gaari oo nooca Cabdi bilaha ah.
Wilaayada Baay iyo Bakool ayaa maal mihii lasoo dhaafey waxey wadey kualamo ay la leedahey beelaha dega goboladaasi taasi oo ugu gol leedahey inay hubkooda kusoo wareejiyaan maamulka islaamiga ah ee ka jira goboladaasi kaasi oo hoos taga Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


