Sheekh Yuusuf Kabo Kutukade oo sheegey inay Bur bureen Kooxda kabaxday Ahlu Suna ee G/gaduud ka dagaalanto.

Waaliga wilaayada islaamiga ah Galguduud ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise kabo ku tukade ayaa sheegey inay bur bureen kooxda Ahlu suna kadib markii khilaaf xoogan iyo is maandhaaf xaga fikirka ah uu soo kala dhex galey kooxdaasi oo ka talisa degmooyin ku yaala gobolka Galguduud.

Waaliga Galguduud wuxuu sheegey in kooxdaasi ay u kala jabtey labo garab islamarkaana garab kamid ah uu ku biirey dowladda kmg ah halka garab kalena ay go’aan ku gaareen inaysan ku biirin dowladda balse ay sii wadaan dagaalka ay kala soo horjeedaan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ku sugan qeybo ka tirsan gobolka Galguduud.






Sheekh yuusuf kabo Kutakade wuxuu sidoo kale sheegey in Gudoomiyihii kooxda Ahlu Suna Cumar Maxamed Faarax uu kasoo baxsadey deegnaadii ay joogeen Kooxdiisa kadib markii uu khilaaf uusoo kala dhex galey Madaxa sar sare ee kooxda taasi oo horseedey inuu bur buro Ururka Ahlu suna.

Dhanka kale Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabo Kutukade wuxuu ka Hadley abaaro saameeyey dadka iyo duunyada oo ka taagan qeybo ka tirsan gobolka Galguduud wuxuuna xusey in degmooyin badan oo gobolkaasi ay ka taagan tahey abaartii ugu darneyd oo muddo sanado ah soo marta.

Mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo badanayey wararka sheegaya inay kala tageen KooxdAhlu Suna isku magacowdey kadib markii khilaaf uusoo kala dhex galey hogaanka sare ee kooxdaasi waxaana wararka qaar ay sheegayaan in maleeshiyadii kasoo jeedey beelaha dega Xeraale iyo Caabud waaq ay dib ugu laabteen deegnaadii ay kasoo jeedeen markii uu soo baahey khilaafka udhaxeeya hogaankood.
 

Isha warka Idaacadda Alfurqaan

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com