Dagaal Shabeelaha Hoose ku dhaxmaray Maleeshiyo Beeleedyo oo Khasaara Nafeed gaystay iyo Wilaayada Islaamiga oo kala dhaxgashay.
 

  Dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed ayaa kadhacay deegaan duleedka uga beegan degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose, iyadoona dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hal qof ayaa lasheegay inuu ku geeriyooday dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo beeleed, iyadoona qofka geeriyooday uu ahaa mid kamid ah maleeshiyo beeleedyadii dagaalamay.



Dagaalka oo kadhacay deegaanka Dacaraha oo qiyaastii 30-KM u jiray degmada Wanlaweyn ayaa salka ku haya is qabqabsi la xiriira dhul beeleed ay ku muransan yihiin labada beel ee maleeshiyaadkoodu ku dagaalameen deegaankaas.

Ciidamada maamulka Islaamiga ah ee degmada Wanlaweyn ayaa ku baxay goobta uu dagaalku kadhacay, waxaana lasheegay inay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah maleeshiyo beeleedyadii dagaalamay


Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com