Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo si buuxda ula wareegtay Fariisimo au Ciidanka dowlada KMG ah ku lahaayeen Bariga Muqdisho iyo Maydadka Ciidanka dowlada oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada).

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali dheere” ayaa sheegey in Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay la wareegeen goob ay horey u joogeen Ciidamada dowladda kmg ah kadib markii aroornimadii hore ee saakey uu dagaal culus ka dhacey qeybo katirsan degmooyinka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

“Saakey waabarigii salaadda subax kadib ayaa mujaahidiinta waxey weerar ku qaadeen kufaarta oo ka koobneydey murtadiina iyo Saliibiyiinta halkaana waxaa ka dhacey dagaal kulul ilaahey subxaanahu wataacaalana wuxuu guusha ku siiyey Mujaahidiinta”.







Sheekh Cali Maxamuud Raage wuxuu xusey inay la wareegeen fariimiso ay degmooyinka Shibis iyo C/caziiz ku lahaayeen Ciidamada dowladda kmg ah.
“Xiligan aan idin la hadleyno waxaan joognaa halkii ay difaacyadoodii aheyd ee la oran jirey Global iyadoo mujaahidiintu ay dhaafeen difaacoodii labaad oo inshaa’alaahu mardhow laga yaabo in la isku hoobsado xamar weyne ama madaxtooyada iyo agagaarkeeda.

Hadalka sheikh Cali dheere ayaa imaanayaa Xili saakey aroortii dagaal culus uu ka qarxey degmooyinka waqooyi ee magaalada Muqdisho kaasi oo udhaxeeyey Ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaarihii ka dhashey dagaalkaasi.


Dhismaha Hotelka Global oo ay si buuxda ula wareegeen Shabaab

Maydka mid kamid ah Ciidanka dowlada KMG ah oo lagu dilay dagaal

Wadada laamiga ah ee Gobalka Hormarta oo lala wareegay

Mid kamida ah dhufaysyadii lagala wareegay Maleeshiyada dowladda KMG ah

Muuqaal dheer Hotel Global oo lagala wareegay Maleeshiyada TFG
 

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho@yahoo.com