
Roobab Mahiigaan ah oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da'ayay magaalooyinka waaweyn ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sababay dhimasho iyo Burbur hantiyadeed oo soo gaaray Dad iyo duunyo ku sugnaa degmooyin gobalkaasi katirsan.
Wararka nagaasoo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in 2 Haween ah ay dhinteen tiro xoola ahna ay Bakhtiyeen kadib markii ay Roobab daadad wata kusoo rogmadeen tuulooyin hoos yimaad degmada Dhoobleey.
Weriye katirsan Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa SomaliMemo.com u xaqiijiyay in Roobab Mahiigaan ah ay ka da'een degmooyinka kala ah Afmadoow iyo Dhoobleey saamayn balaarana ay ku yeesheen Dadka xoola dhaqata ah iyo kuwa kale ee tuulooyinka degan.

Haweenka Geeriyooday ayaa lasoo sheegay in ay Haleeshay Biriqda Roobka da'ayay uu wata waxaa kale oo jira Xoolo badan oo ku Nafwaayay Raxamadda alle ee ka da'day Afmadoow iyo Dhoobleey, deegaanka Kulbiyow ayaa isna lasoo sheegay in Roobab Mahiigaan ah ay ka da'een waloow aan lasoo sheegin Khasaara Nafeed oo Roobabkaasi ka dhashay.
Inkastoo Abaaro la sheegi karo aysan horay uga jirin gobalada Jubbooyinka hadane roobabkan da'ay waxaa ku diirsan doona dadka iyo duunyada oo maalmihii lasoo dhaafay dareemayay kulayl aad u daran, Wilaayada Islaamiga gobalada Jubbooyinka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay wax ugu qaban lahayd dadka ku waxyeeloobay roobabka Mahiigaanka ah ee gobalka ka da'ay

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


