
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gelinkii danbe galabtay ka amba baxay Caasimada magaalada Muqdisho, waxaana lagu sagootiyey tiro madaafiic ah.
Wafdiga la socda Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Wasiiro ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/risaaq Jurille, Maxamad C/laahi Oomaar iyo

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo qeyb ka ahaa Safaraka Madaxweynaha.
Madaxweynaha Dowladda KMG ayaa kula kulmi doona Magaalada London Madaxda dalka Ingiriiska iyo jaaliyadaha Soomaalida isagoona kala hadlin doona arrimaha Dalka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay wanaajiso xariirka kala dhaxeeya Dowladda Caalamka kuwaso ay ka heshay taageero Caalami ah.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


