Xoogaga Xisbul Islaam ayaa markii ugu horaysay ka hadlay socdaalka General maxamed Nuur Galaal ku joogo magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb gobalka Galgaduud.
Mas'uulka arrimaha Gudaha u qaabilsan Xisbul Islaam Sheykh Salmaan Sahal oo Waraysi dheer siinayay Idaacadda Hornafrik ee magaalada Muqdisho ayaa General Galaal ky tilmaamay Nin Murtad ah.
"Ninkaas Mushrikiinta cadawtooyo waaba uga horeeyay waa Murtad waan naqaan, gacantiisa

waxaan ku tebaynaa Mujaahidiin waana ladagaalami doonaa"ayuu yiri Sheykh Salmaan.
Sheykh Salmaan ayaa intaas raaciyay in xoogaga Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo isgarabsanaya ay mar aan dheerayn lawareegi doonaan degmooyinka ay galgaduud ka maamulaan Maleeshiyada Ahlusuna sheegato.
Isagoo waraysigiisa siiwata sheykh Salmaan ayuu Hornafrik ku yiri "Kooxdaas Guriceel joogta Mushrikiin ayaan u naqaan uma naqaan Ahlusuna waa Ilma Itoobiya, dagaal ayaana nagala dhexeeya hadana waan ka adkaanay"ayuu Hornafrik ku yiri.
Xoogaga Xisbul Islaam gobalka Hiiraan ayaa bishii lasoo dhaafay dagaallo culus lagalay Maleeshiyaadkii Yuusuf Dabgeed oo garab ka helayay Itoobiya iyo kuwa ahlusua sheegta waxaana sidoo kale dagaalkaas ka mid ahaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com


