ayadoo aad ay u yareeday qasaaraha ka soo gaara inta badan shilalka aan caadi aheyn ee ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa misna xalay waxaa ka dhacay caasimada soomaaliya shilkii ugu xumaa ee abid.
Shilkaas gaari ayaa yimi ka dib marki labo gaari oo nooca rakaabka qaada ay isku dhaceen, iyadoo shilka uu ka dhacay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Caafimaadka ayaa iyagu sheegay in shilkaas uu ku dhintay 1-qof oo rayid ah kaas oo ah qof dumar ah oo ka mid ahayd Rakaabka gawaaridaas, waxaana ku dhaawacmay 15-qof oo kale.

Dhaawaca ayaa waxa ay yihiin kuwa isugu jira kuwa fudud iyo halis, waxaana lagu dabiibaaya intooda badan Isbitaalka Madiina iyo weliba xarumo kale oo Caafimaad.
Ila iyo hadda lama yaqaano sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyey shilkaas, iyadoo labada gawaari ay ku kulmeen wado isgoys ah.
Shilalka gawaarida ka dhaca magaaladda Muqdisho ayaa inta badan loo sababeeya Wadooyinka oo ah kuwa aan fiicneyn oo uu baahan dayactir, iyadoo maamulka gobolka Banaadir ay hore ugu dhawaaqeen in ay dayactiri doonaan wadooyinka magaalada Muqdisho ee ku burburay dagaalada Sokeeye

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com


