
Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa markii ugu horaysay Suuqa weyn ka furtay deegaanka Gololeey Daa'uud oo kamid ah deegaanada ugu caansan gobalka.
Kadib kulamo iyo dadaallo xoogan oo ay sameeyeen dadka deegaanka Gololeey iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku suura gashay in ay in ay furaan suuq weyn oo ay markii ugu horaysay yeelato Deegaanka Gololeey Daa'uud.
Munaasabad balaaran oo shalay gelinkii dambe ka dhacday Gololeey Daa'uud ayay Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Dhexe daaha uga rogtay suuqa Xoolaha degmada deegaankaasi oo ay baahi weyn u qabeen shacabka degmadaasi.

Madaxa arrimaha Bulshada Wilaayada Islaamiga gobalka oo Khodbad dheer ka jeediyay Munaasabadii suuqa loogu furayay shacabka Gololeey Daa'uud ayaa sheegay in Wilaayadu ay garwaaqsatay codsiyo uga Imaanayay shacabka Gololeey oo muddo 30-sana ah aan lahayn adeegyo bulsho sida Suuqyo ganacsi iyo Isbitaalka.
Suuqii shalay laga Hirgeliyay Gololeey ayaa durbaba shaqa bilaabay waxaana suuqaasi usoo adeegasha tegi doono shacabka ku nool 20 Tuulo oo hoos yimaad deegaanka Gololeey daa'uud, Beesha Gololeey ayaa ubalan qaaday xarakada Shabaabul Mujaahidiin in ay kala shaqayn doonto amaanka iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Gololeey ayaa 35 KM ujirta magaalada Jowhar waxayna u dhaxaysaa degmooyinka Balcad iyo Jowhar Xiligii Fowdada waxaa tuuladaasi Isbaaro caan ah u tiilay Dagaal Oogihii lamiciya siibay ee Muuse Suudi Yalaxoow oo maamuli jiray Balcad ilaa iyo deegaanka Carasaale.
Waa markii ugu horaysay oo ay Shacabka Gololeey Daa'uud helaan Maamul Islaami ah oo wax ka qabato arrimaha Bulshada oo ay baahi baaxad leh u qabeen Shacabka Muslimiinta ah ee halkaasi ku dhaqan.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


