Dagaallo ay ka qayb galeen Taangiyada Ciidamada AMISOM oo Galabta ka dhacay degmada C/casiis Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Dagaallo aad u xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogaga islamaiyiinta ayaa galabta dib uga qarxay xaafado katirsan degmooyinka Shibis iyo C/casiis magaalada Muqdisho.

Dagaalkii galabta oo ay qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda waxaa ka qayb qaadanayay raangiyada Ciidamada AMISOM oo doonayay in ay ciidanka dowladda dib ugu qabtaan fariisimo ay saaka kala wareegeen xoogaga islaamiyiinta.





Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ee dagaalka ka qayb galay aysan waxba soo kordhin islamarkaana ay dib ugusoo laabteen Villa Somalia waxaana weli agagaarka Xeradii gaadiidka Booliska isku horfadhiya Islaamiyiinta iyo ciidanka dowladda.

madaafiicda ka dhacaysay taangiyada AMISOM waxay khasaara culus ka gaysteen xaafado katirsan degmada Kaaraan oo ay dad rayid ah ku dileen.

Ciidamada AMISOM waxaa laga naafeeyay mid kamida taangiyadii ay wateen kadibna waxaa lagu qasbay in ay jiitaan gaarigii ka waxyeeloobay, ilaa iyo hadda labada dhinac wax war ah kamasoo saarin dagaalkii cuslaa ee galabta dhacay

 

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho@yahoo.com