Warar Faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Xoogaga Mujaahidiinta ah iyo ciidan taabacsan dowladad KMG Somalia oo kaalmo ka helaya kuwa shisheeye ee AMISOM.
Dagaalada oo ahaa kuwa culus waxaa qaaday xoogaga Shabaabul Mujaahidiin oo weeraro ku Ekeeyay fariisimo dhowr ah oo ay joogeen Ciidanka dowladda gaar ahaan deegaanada dhaca Bariga magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay si daran laysugu hardiyay deegaanada Bari,Xoogaga Mujaahidiinta ah ayaa lasoo sheegayaa in ay galeen difaacyo ay horay u joogeen Maleeshiyada dowladda Hub badana laga furtay.
Saraakiil aan laxariirnay ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka guulo ay dagaalka ka gaareen balse waxay ka gaabsadeen un ay faah faahin dheeraad ah bixiyaan.
C/casiis,Shibis,Biindheere iyo dagaandaga Madaxtooyada ayaa ahaa meelihii sida daran loogu dagaalamay.
Dagaalka ayaa yimid kadib Goodis ay saraakiisha dowladda Shariif ka sheegeen idaacadaha Muqdisho waxaana shalay oo idil laysla dhaxmarayay in dagaallo kala bax ah ay magaalada ka dhacayaan.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com


