
Allmuqdisho.com
Isaga oo waraysi siinayay wargeyska Alyowmul Alsaabic ee kasoo baxa dalka masar ayaa wasiirka arimaha dibadda ee dowladda kmg ah yuusuf xasan ibraahim yuusuf dheeg wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay in dhulka soomaali galbeed ay gumaysi ku haysato dowladda ethopia.
“Juqraafi ahaan gobolkaas waxa uu kamid yahay dhulka soomaaliyeed,dadkiisuna sanadkii 1977-dii ayay u dagaalameen sidii ay gumaysiga isaga dul qaadi lahaayeen” ayuu yiri yuusuf dheeg.
Wasiirka arimaha dibadda dowladda kmg ah ayaa Xuduud beenaad ay dejiyeen gumaystayaashii Taliyaaniga iyo ingiiriska waxa uu ku tilmaamay soodinta hadda udhaxaysa dalalka soomaaliya iyo Ethopia,wuxuuna Carabka ku dhuftay in dhulka soomaali galbeed uu yahay dhul guud ahaan ka maqan shacabka soomaaliyeed.
Isaga oo ka jawaabayay su’aal ahayd suura galnimada in Ciidamada ethopia in ay markale kusoo laabtaan gudaha dalka soomaaliya ayaa yuusuf dheeg wuxuu sheegay in dowladda Ethopia ay ku wargelisay madaxda dowladda kmg ah inaysan xiligan diyaar u ahayn inay fara gelin ku samayso gudaha dalka soomaaliya oo xiligan ay ka jiraan dagaalo udhaxeeya dowladda kmg ah oo gacan ka halaysa ciidamada shisheeyaha iyo Xoogaga islaamiyiinta.
Yuusuf xasan ibraahim yuusuf dheeg wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay in Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab aysan kaliya khatar ku ahayn dowladda kmg ah,isagoona sheegay in guud ahaan wadamada gobolka ay khatar ku hayaan ,wuxuuna ku eedeeyay inay rumaysan yihiin dhisitaanka dowlad islaami ah oo saldhig unoqota dib usoo laabashada khilaafada islaamiga ah.
“ Shabaabku waxay leeyihiin ajande gaar ah oo ka gedisan guud ahaan ajandaha kooxaha siyaasadda soomaaliya oo ku fekeraya ilaalinta iyo madaxbanaanida soomaaliya,laakiin shabaabku waxay ku wajahan yihiin dhisitaanka dowlad islaami ah taasi oo ku dadaaladaysa dib usoo celinta khilaafada islaamiga ah ee guud ahaan Caalamka” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka arimaha dibadda dowladda kmg ah yuusuf dheeg.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibadda ee dowladda kmg ah ayaa ku eedeeyay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab inay soo saareen fatwooyin ay ku mamnuucayaan u dabaal dagga waxa uu ugu yeeray maalmaha Xoriyadda ee shacabka soomaaliyeed,wuxuuna sidoo kale ku eedeeyay in Calanka buluugga ah ay ku badaleen Calanka Towxiidka ee madow sida uu hadalka udhigay.
Dhanka kale ilo wareedyo madax banaan oo ku sugan magaalada qaahira ayaa usheegay Idaacadda Alfurqaan in inta madaxweynaha dowladda kmg ah shariif Sheekh uu booqashada ku jooga dalka masar uu kulamo la qaadan doono mas’uuliyiin ka tirsan dowladda masar iyo diblumaasiyiin ka tirsan safaaradda faraniiska ee magaalada qaahira ,kuwaasi oo cadaadinaya sidii dowladda kmg ah ay gacan ugu gaysan lahayd sii daynta lahaysataha faransiiska ah ee lagu heysato gudaha dalka soomaaliya.
![]()

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


